Madaxweynaha kooxda Barcelona oo faallo ka bixiyay Guuldaradii xalay ka dhacday garoonka Anfield

0
150

Josep Maria Bartomeu  Madaxweynaha kooxda Barcelona ayaa faallo ka bixiyay guuldaradii ay xalay kala kulmeen dhigooda Liverpool.

 

kooxda Liverpool ayaa si mucjiso leh ugu gudubtay finalka Champions league kaddib markii ay 4-0 ay ku garaaceen Barcelona, oo kulankii lugtii hore ku soo badisay 3-0.

 

Hadaba kaddib mucjisadii xalay ka dhacday garoonka Anfield ayuu madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ka hadlay dareenkiisa wuxuuna yiri:

 

“Waxaan u hambalyeynayaa Liverpool, waxay dhaliyeen 4 gool, waxayna naga reebeen tartanka”.

“Waxaan raali galin u dirayaa Taageerayaasha halkan u yimid inay na garab istaagaan”.

 

“Guuldarada aan la kulanay, way adag tahay in loo helo wax sharaxaad ah, mana doonayo in xiligan aan sheego sababta ka dambeysa guuldaradan, waxaan heysanaa waqti aan ku fekerno”.

 

“Wixii dhacay waxay xanuun jineysaa dhamaanteen, laakiin waa inaan taageernaa kooxda , ciyaartoyda, tababaraha, iyo qof walba”.

 

“Waa inaan kasoo kabana wixii dhacay, sababtoo ah wali waxaa ina sugaya inaan ciyaarno kulanka finalka ee Copa del Rey”.

 

“Lama hadlin ilaa iyo haatan macalinka ama ciyaartoyda, balse waa inaan ku taageernaa kooxda kulanka ay ciyaari doonaan ee finalka ee Copa del Rey”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here