Meeqo Agaasime Ayeey Yeelatay Madaxtooyada Villa Somalia 2-dii sano ee la soo dhaafay ?

0
91

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa labadii sano ee la soo dhaafay aheyd meel aan lagu negaanoo marba Agaasime la bedelayay inta uu Xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada la wareegay 16 bishii February, 8 cisho kaddib markii loo doortay xilka Madaxweynaha ayaa magacaabay Afar Agaasimr rasmi ah iyo hal Agaasime KMG ahaa.

Madaxtooyada Villa Somalia oo ah halka dalka looga arrimiyo waxaa xilkeeda lagu miisaama marba cida talada qabata, gaar ahaan Madaxweynihii yimaada wuxuu magacaabaa rag u dhow ama saaxib la ah, marka loo eego Madaxdii hore ee dalka soo martay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyay ee Villa Somalia soo kara oo illaa afar Agaasime magacaabay, Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed ayaa 3 Agaasime soo magacaabay, halka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamed uu soo magacaabay Labo Agaasime oo rasmi ah.

Haddaba waxaa qiimeyn ku sameyn doonaa labadii sano ee uu Madaxweyne Farmaajo Xafiiska joogay tirada Agaasimayaasha soo maray Xafiiska.

1- Dr Cali Saciid Fiqi ayaa si KMG ah xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay markii uu Madaxweyne Farmaajo la wareegay Villa Somalia.

2- Abuukar Dahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay 22- March 2017.

3- Fahad Yaasiin Xaaji Dahir waxaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay 31 May 2017.

4- Drs Aamina Saciid Cali oo Agaasime Kuxigeen aheyd ayaa u dalacday xilka Agaadimaha Guud ee Madaxtooyada 22 August 2018, 9 bil kaliya ayay heysay xilka.

5- Dr Nuur Diiriye Fursade oo Madaxweynaha saaxib dhow yihiin, xidid hoosena ka yihiin dhanka Xaasaska ayaa loo magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada 15 May 2019.

Xilka Agaasinka Madaxtooyada ayaa noqonaya xilal Wasaarado, Taliyeyaal ciidan, Gobole oo tiro dhowr jeer la bedelo, waxaana uu ka mid yahay xilalka aan lagu raagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here