Paulo Dybala + Alex Sandro Oo Lagu Soo Bedelanayo Paul Pogba – Man United & Juventus Kooxdee Faa’ido Qabta?

0
116

Juventus ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto Manchester United Paulo Dybala oo lagu daraya Alex Sancdro si ay Real Madrid uga hoos xadaan xiddigoodii hore ee khadka dhexe Paul Pogba, sida ay qortay jariirada Daily Express.

Xiddiga Faransiiska ayaa ku dhow inuu markii labaad isaga tago Old Trafford xagaagan ka dib markii uu rafaaday xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa diyaar u ah inuu bixiyo lacagta 120ka milyan ginni ee lagu qiimeynayo xiddiga Koobk Adduunka ku guuleystay laakiin waxa ay u baahan yihiin marka hore inay iska diraan Gareth Bale.

 

Waxaana ay taasi albaabka u furi kartaa Juventus kuwasoo aan heysanin lacag intaas la eg balse heysata faa’ido kale.

Manchester United ayaa soo bandhigtay xiisaheeda weeraryahanka reer Argentina Dybala oo 25 jir ah iyo daafaca bidix ee reer Brazil Alex Sandro oo 28 sanno jir ah kaasoo muddo dheer diirada u saarnaa Chelsea.

Waxaana Juventus ay diyaar la tahay haatan inay labada ciyaaryahan ku soo bedelato Paul Pogba kaasoo afar horyaal oo Serie A la qaaday Juventus ka hor inta uusan heshiis rikoor ah ugu laabanin Man United.

Dybala waxa uu sidoo kale soo jiidanayaa xiisaha kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool madaama uu ku dhibtooday inuu xilli ciyaareedkan boos joogta ah ka helo kooxda Talyaaniga.

Waxaana loo arkaa inuu noqon karo bedelka Romelu Lukaku kaasoo ku dhow inuu tababarihii hore ee Chelsea kula biiro kooxda Inter Milan.

‘Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa u sheegay madaxda kooxa Man United in heshiisyada xagaaga la soo gabagabeeyo 1da bisha July.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here