SAADAALI: Chelsea vs Arsenal – Kooxdee Qaadi Doonta Europa League? Blues Miyaa Labeysan Doonta Mise Arsenal Ayaa Abaarta Ka Bixi Doonta?

0
213

Kooxaha reer London oo ah wajiyo is yaqaana ayaa isku arki doona finalka Europa League sannadkan, iyagoo durbaba labo kulan ciyaaray horyaalka Premier League.

Chelsea ayaa 3-2 ku badiay kulankii Stamford Bridge halka Arsenal ay 2-0 ku badisay kulankii Emirates. Chelsea waxa ay qaaday Europa League markii ay 2-1 kaga badiyeen Benfica sannadii 2013, halka Arsenal rigoore looga qaaday finalkii UEFA Cup ee 2000 oo ay la ciyaareen kooxda Galatasaray.

Tababaraha Talyaaniga Maurizio Sarrii ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay leylinaya Blues ka dib markii uu seddex xilli ciyaareed ku soo qaatay Napoli halkaasoo uu labo jeer ciyaaray Europa League hal marna Champions League laakiin waligiis ma uusan gudbin wareega 16ka.

 

Dhigiisa ay isku horimaan doonaan kulanka 29ka bishaan ka dhacaya Baku waa Unai Emery, kaasoo qibrad badan u leh Yurub isagoo tababare u soo noqday Valencia, Spartak Moscow, Sevilla iyo PSG ka hor inta uusan tababare ka noqonin Arsenal. Emery ayaa guulihiisa Yurub la gaaray Sevilla isagoo koobka Europa League ku hogaamiyay seddex jeer oo isku xigta intii u dhaxeysay 2014-2016.

Dhanka dhaawacyada, Chelsea war wanaagsan iyo war xunba waa ay heysataa finalka. Marka ugu horeysay warka xun: xiddiga khadka dhexe Ruben Loftus-Cheek oo dhaliyay afar gool oo Europa League ah ayaa dhaawac ku seegi doona finalka. Dhanka warka wanaagsan: xiddiga khadka dhexe N’Golo Kante ayaa ku soo laabtay tababarka ka hor finalka.

Arsenal xiddiga ugu weyn ee ka maqan kuma maqna dhaawac. Xiddiga khadka dhexe ee Armenia Henrikh Mkhitaryan ayaan u safri doonin Baku sababo amaanka la xiriira madaama ay colaad ka dhaxeyso dalalka Armenia iyo Azerbaijan oo soo bilaabay sannadii 1917.

Garoonka dhexdiisa waa inaad isha ku heysaa labada xiddig ee gooldhalinta ku soo baxay Europa League xilli ciyaareedkan. Waa xiddiga haya gooldhalinta tartanka Olivier Giroud (10 gool) ayaa hogaaminaya weerarka Chelsea waxaana kula soo biiri doona Eden Hazard oo rigooradii uu dhaliyay ay Blues u soo saaray finalka – waxayna noqon kartaa kulankii ugu danbeeyay ee Hazard u dheelo Blues. Giroud iyo Hazard wax badan islama aysan ciyaarin Europa League laakiin marka ay soo wada saftaan waxa ay halis ku yihiin daafaca Arsenal.

Dhanka kale, David Luiz iyo daafaca Chelsea ayaa u baahan inay la yimaadaan qorshe aan weli lagu guuleysan tartankaan oo ah sidii ay ku celin lahaayeen Pierre-Emerick Aubamayeng iyo Alexandre Lacazette. Labada xiddig ayaa dhaliyay dhamaan todobadii gool ee ay Arsenal labada lug ka dhalisay Valencia oo ay ku jrito seddexleydii uu Aubameyang dhaliyay lugtii labaad. Tartanka Europa League waxa ay wadar ahaan dhaliyeen 13 gool iyo 7 caawin. Finalka 2019 ee Europa League waxaad filataa goolal badan.

Hadaba kooxdee ayaad u saadaalineysaa koobka Europa League? Chelsea miyaa qaadi doonta koobkeedii labaad mise Arsenal ayaa markii ugu horeysay ku guuleysan doonta?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here