Sababta Uu Cristiano Ronaldo U Doonayo In Liverpool Ay Garaacdo Barcelona Oo La Sharaxay

0
171

Xiddiga kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in Liverpool ay garaacdo caawa kooxda Lionel Messi ee Barcelona.

Shaki la’aan Cristiano Ronaldo waxa uu caawa daawan doona kulanka ay Camp Nou ku ciyaarayaan kooxaha Barcelona iyo Liverpool.

Messi ayaana muran la’aan noqon doona xiddiga ay diirada saaran tahay iyadoo xiddiga reer Argentina uu doonayo inuu kooxdiisa ku hogaamiyo hanashada Champions League.

Ronaldo ayaa ka hormaray xiddiga ay xafiiltamaan sannadihii u danbeeyay ugu u yaraan marka laga hadlayo koobabka.

Xiddiga Juventus waxa uu ku guuleystay afar Champions League shan sannadood gudahood intii uu joogay Real Madrid taasoo la micno ah inuu shan Champions League hantay waayihiisa ciyaareed.

Koobkiisii ugu horeysay waxa uu ku qaaday Manchester United markii uu ka hoos ciyaarayay Sir Alex Ferguson.

Dhanka kale Messi waxa uu waayihiisa ciyaareed ku guuleystay afar koob oo Champions League ah.

Waxa uu qeyb ka ahaa kooxdii Barcelona ee ku guuleysatay Champions League markii uu kooxda macalin u ahaa Frank Rijkaard sannadii 2006 inkastoo uu finalkii ku seegay dhaawac.

Waxa uu sidoo kale Champions League ku guuleystay sannadihii 2009, 2011 iyo 2015.

Caawa, Messi waxa uu fursad u heystaa inuu sarre u qaado fursadiisa uu ugu guuleysan karo koobkii shanaad ee Champions League oo uu barbareeyo Ronaldo.

Waana sabbata uu xiddiga Juventus u taageeri doono Liverpool caawa.

34 jirkaan ayaa haatan heysta xuquuqda uu ku faani karo marka ay timaado xafiiltankooda Champions League, waxaana uu doonayaa inuu rikoorkaas u sii socdo.

Ronaldo ayaa ciyaari lahaa semi-finalka Champions League laakiin kooxdiisa Juventus waxaa wareega sideed dhamaadka ku soo reebtay kooxda Ajax oo wadar ahaan labadii lug kaga soo badisay 3-1.

Ronaldo ayaa aad u careysnaa ka dib kulankaas, waxaana soo baxayay warar sheegaya inuu ka tagayo Juventus ka dib sannad uu joogay Italy.

Laakiin waxa uu gadaal ka sheegay inuu sii joogayo kooxda isagoo yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleystay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyay.

“Xilli ciyaareed weyn ayay u aheyd Juventus, waxaana sidoo kale ku guuleysanaya Italian Supercup.

“Shaqo fiican kama aanan qabanin Champions League laakiin waa inoo sannadka danbe.”

Markii la weydiiyay haddii uu xiran doono maaliyada Juventus xilli ciyaareedka danbe, Ronaldo ayaa ku jawaabay: “Boqolkiiba kun”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here