Shirkadda diyaaradaha ee dalka Ugandaoo billaabaysa duulimaad toos ah oo ay ku tagayso Muqdisho

0
153
Shirkadda diyaaradaha ee dalka Uganda ayaa markii u horreysay shaacisay inay dhowaan billaabayso duullimaad toos ah oo ay ku tagayso magaalada caasimadda ee Muqdisho.

Duulimaadka Uganda Airlines ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah duulimaadyo toos ah oo isku xiraya magaalooyinka ku yaalla bariga Afrika ee ee Kampala, Nairobi, Mombasa, Muqdisho, Jubba, Bujumbura, Dar-es-Salaam iyo Zanzibar oo ay dhawaan shirkaddu duulimaad ka billaabayso,sida laga soo xigtay bayaan ay mas’uuliyiinta shirkadda Uganda Airlines soo dhigeen baraha bulshada.

Uganda Airlines ayaa dhowaan dib u habeyn lagu sameeyay, taas oo ay hadda ku dooneyso inay mar kale dib usoo ceshato doorkeedii duulimaad ee waddamada gobolka.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa muddooyinkii dambe ku loolamayay duullimaadyada ay  tagayaan Muqdisho.Horay waxaa duulimaadyada noocan ah u billaabay shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay Itoobiya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here