Sir Alex Ferguson Oo Ka Xumaaday In Talooyinkiisa Ay Iska Dhegotiraan Madaxda Man United & Tababare Ole Gunnar Solskjaer

0
162

Sir Alex Ferguson ayaa doonayay in Mauricio Pochettino loo dhiibo shaqada tababare ee Manchester United ka hor inta loo dhiibin Ole Gunnar Solskjaer, halyeeyga kooxda Old Trafford ayaana ka xumaaday in madaxda kooxda aysan ku tiirsaneyn taladiisa.

Tababarihii hore ee Red Devuls ayaa guulo waa weyn ku gaaray Old Trafford isagoo ku guuleystay 38 koob mudadii 27da sannadood ee uu joogay kooxda ka hor inta uusan ka fariisanin sannadii 2013.

Tan iyo markii uu tababaraha Scotland ka tagay shaqada, United waxaa soo martay seddex tababare oo joogta ah oo midkoodna uusan guulo gaarin, iyadoo tababaraha haatan Solskjaer uu shaqada ku bilowday sidii ugu xumeyd.

 

Shaki la’aan Ferguson meel sarre ayuu kaga jiraa kooxda, xitaa waxaa loogu magacdaray qeyb ka mid ah garoonka Old Trafford, laakiin waxaa la sheegay inuu dareemayo inaan laga qeybgelinin talada kooxda islamarkaana uu keli yeelayo madaxa maamulka Ed Woodward.

Daily Mail ayaa sheegeysa in Ferguson uu kula taliyay madaxda kooxda in shaqada tababarenimo loo dhiibo tababaraha Tottenham Pochettino markii la ceyriyay Jose Mourinho bishii December.

Solskjaer ayaa markii hore si ku meel gaar ah loo magacaabay isagoo badiyay 14 ka mid ah 19 kulan uu kooxda hayay taasoo keentay in shaqada si joogta ah loo siiyo.

Si kastaba, qaab ciyaareedkooda ayaa markiiba hoos u dhacay iyadoo Red Devils ay seegtay kaalinta afaraad ee Premier League halka wareega sideeda Champions League ay uga soo hartay gacmaha Barcelona.

Ferguson ayaa mar walba u dagaalamayay in la shaqaaleysiiso Pochettino, laakiin Ed Woodward iyo madaxda kale ee kooxda Richard Arnold iyo Matt Judge ayaa iska dhegotiray taladiisa.

Waxaa la sheegayaa in xiriirka ka dhaxeeya Ferguson iyo Solskjaer inuusan u hagaagsaneyn sida sawirada ay isla galaan ay soo jeedinayaan, iyadoo tababaraha reer Norway uu iska dhegotiray talooyinka tababarihiisa hore.

Taas bedelkaada, Sir Alex Ferguson waxa uu ku tiirsan yahay ninka gacantiisa midig ah Mike Phelan kaasoo haatan caawiye u ah Solskjaer, kaasoo u soo gudbiya waxyaabaha ka dhaca daaha gadaashiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here