UEFA oo sharraxday sababta loo fogeeyay waqtiga la ciyaarayo kulanka kama dambeysta ah ee Champions League sanadkan

0
118

Xiriirka kubadda cagta UEFA ee Qaaradda Yurub ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta sanadkaan loo fogeeyay waqtiga kama dambeysta ah ee Champions League.

Liverpool iyo Tottenham ayaa 01 bisha June ku wada dheeli doona garoonka Wanda Metropolitano ee Magaalada Madrid, waxaana sanadkan kulankani uu ka duwanaan doonaa dhammaadyadii Champions League ee mar walba la qaban jiray bisha May.

Haddii Liverpool ay ku guuleysato Koobkan, haddii laga guuleysto iyo haddii ay barbardhac gashaba waxay u tahay ciyaar taariikhi ah, maadaama ay noqonayso markii ugu horreysay taariikhda 127 sano jirka ah ee Liverpool oo ay kulan caalami ah dheesho bisha June.

Koobkii ugu dambeeyay ee Champions League xilli ciyaareedkii tegay waxa ay Liverpool la dheeshay Real Madrid 26 May, halka ciyaarihii kama dambeysta ahaa ay soo xaadirtay 2005 iyo 2007 ay ciyaartay 25 May iyo 23 May.

Sababahakulankan looga dhigay 01 bisha June ayay UEFA ku fasirtay kaddib markii wax laga beddelay waqtiyadii kulammada heerka qaran ee xulalka caalamka qaarkood.

Ingiriiska ayaa la ciyaari doona Holland nus dhammaadka Horyaalka Qarammada 6 bisha June, halka sidoo kalena ay ciyaari doonaan Final-ka, kulanka kaalinta 3-aad ama 4-aad oo ay la dheeli doonaan midkood xulalka Portugal ama Switzerland 9 bisha June.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here