Wax Ka Ogow Xildhibaan Ku Dhaawacmay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

0
206

Waxaa weli warar kala duwan ay ka soo baxayaan qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Qarax oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah,Askar bada iyo Sarkaalad ka tirsaneyd Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Faay Cali Raage.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay Xildhibaan lagu magacaabo Shabeel oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka,sidoo kale waxaa goobta ku dhintay Askari ilaalo u ahaa Xildhibaan lagu magacaabo Maryan Cariif oo xiligaas goobta ku mareysay Gaari sida Dalsan u xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay taagnaayeen gaadiid badan oo ay leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda,waxaana wadad uu qaraxu ka dhacay ay tahay mid aada dhinaca Xabsigii hore ee Godka Jilacoow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here