{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Canada oo Safiir Cusub u soo Magacaawday Soomaaliya

0
134

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Marwo Lisa Stadelbauer, Safiirka Idman ee Canada u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u rajeeyay Safiiradda cusub ee Canada in ay guul ka gaarto howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in uu taageero dhammaystiran la garab joogo oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka si iskaashi dhow looga yeesho dhinacyada kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here