{DAAWO SAWIRADA} Suxufiiyin ka qeyb Galeeysa Doorashada Nusoj oo Muqdisho soo gaaray

0
126

Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho in ka badan 50 wariye oo ka kala yimid dhamaan qeybaha kala duwan ee dalkeenna.

Wariyayaashan ayaa ka qeyb gali doono Shirweynaha Gollaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo si rasmi ah hadii Eebe imo uga furmi doono maalinta berito magaalada Muqdisho.

Shirka Gollaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta ayaa waxaa diiradda lagu saaraa istiraatiijiyada ,qorshoyaasha iyo ujeedooyinka ururka muddada sadaxda sano ee soo socoto.

Ujeedada ugu weyn ee shirka GG waa in la wadaago macluumaad ku saabsan guulaha, caqabadaha soo food saaray ururka muddo xilliyeedkii dhamaaday iyo sidoo kale la doonayo in lagu doorto hogaanka cusub Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed muddada saddex sano ah ee soo socoto iyadoo loo hogaansamayo soo jeedinta ka qeyb galayaasha Shirweynaha .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here