{DAAWO SAWIRADA} Xulka qaranka Gabdhaha Germany oo iska xaadiriyay wareega siddeed dhamaadka Koobka Adduunka Dumarka 2019

0
149

Xulka qaranka Gabdhaha Germany ayaa u gudbay wareega siddeed dhamaadka ee Koobka Adduunka Dumarka 2019, kaddib markii ay 3-0 kaga adkaadeen dhigooda Nigeria kulankoodii wareega 16-ka.

 

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-0 ay ku hogaaminayeen Xulka qaranka Gabdhaha Germany.

 

Daqiiqadii 20-aad Alexandra Popp ayaa ciyaarta ka dhigtay 1-0, kaddib caawin ay ka heshay Lina Magul.

 

27 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Gabdhaha Jarmalka ayaa helay rigoore waxaana gool u badashay Sara Daebritz, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-0.

 

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay Xulka qaranka Gabdhaha Germany ayaa halkooda ka sii waday inay sameeyaan fursado kale si ay gool u dhaliyaan.

 

82  daqiio Lea Schuller ayaa soo afjartay ciyaarta waxayna hogaanka u dheereysay xulkeeda Jermany iyadoo ay ciyaarta sidaas ku noqotay 3-0.

 

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-0 ay kaga adkaadeen Xulka qaranka Gabdhaha Germany dhigooda Nigeria, waxayn u gudbeen wareega xiga siddeed dhamaadka ee Koobka Adduunka Dumarka 2019.

Hadaba Xulka qaranka Gabdhaha Germany ayaa gaaray wareega siddeed dhamaadka Koobka Adduunka Dumarka 2019 iyagoo wada badiyay dhamaan kulamadii ay kasoo ciyaareen tartankan oo xitaa barbaro aan galin, isla markaana aan wax gool ah laga dhalinin.

Xulka qaranka Gabdhaha Nigeria ayaa isaga haray Koobka Adduunka Dumarka 2019 waxayna taasi ka dhigan tahay in qaarada Africa oo dhan ay hada matalayaan gabdhaha Cameroon oo habeen dambe la balansan xulka England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here