{DAAWO SAWIRADA} Xulka Uganda oo guul uu ka gaaray DR Congo ku daah furtay Koobka Qarammada Afrika 2019

0
152

Xulka Qaranka Uganda ayaa guul uu ka gaaray DR Congo ku furtay sanadka koobka qarammada qaaradda Afrika ee ka furmay dalka Masar.

Uganda ayaa labo gool oo ay kala dhaliyeen labadii qeybood ee ciyaarta waxa ay kaga adkaadeen DR Congo, waxaana ay hoggaanka u qabteen Guruubka A ee koobka qarammada Afrika.

Patrick Kaddu ayaa goolka u daah furay daqiiqaddii 14-aad ee bilowgii ciyaarta kaddib caawin uu ka helay Farouk Miya ayuuna madax ku dhaliyey kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 looga gacan sarreeyey DR Congo.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadihii hore gaar ahaan 48’daqiiqo xulka Uganda waxa ay la yimaadeen goolka labaad waxaana u dhaliyey Emmanuel Okwi, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay guusha ku qaateen Uganda.

Xulka Uganda ayaa haatan farqiga goolasha kula wareegay hoggaanka guruubka A ee Koobka qarammada Afrika 2019, maadaama ay min saddex dhibcood la wadaagaan Marti-geliyeyaasha tartankan ee Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here