Dacwada kiiskii Caaisho ilyaas oo Markale dib u furmeysa

0
82

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in markale loo fadhiisto dacwadda la xiriirta kiiskii lagu kufsaday laguna dilay Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12 jir ah,dhacdadaas oo Bishii Febaraayo ee sanadkaan ka dhacday Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Saddex Rag ah oo loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan oo lagu kala magacaabo Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, iyaga oo racfaan ka qaatay xukun dil ah oo horay loogu  riday.

Maxkamadeynta raggaas ayaa markale loo fariistay Isniintii la soo dhaafay ee todobaadkaan,hayeeshee Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa Go’aamisay in Maanta oo arbaco ah dacwadaas la qaado,kadib markii ay aruurisay Warbixino dheerad ah oo kiiska la xiriira.

12-kii bishii May ee sannadkan 2019 ayaa Maxkamadda darjada kowaad ee gobolka Nugaal waxaa ay xukun dil ah ku riday Saddex Ruux oo lagu eedeeyey kufsiga iyo dilka Caaisho ilyaas,hayeeshee racfaan ay ka qaateen .

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee Magalada Gaalkacyo Bishii Febaraayo ee sanadkaan loogu geystay Caaisho Ilyaas oo aheyd Gabar 12 jir ah kama mid aheyd dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here