Dilal ka dhacay Kismaayo iyo Amniga Magalada oo laga deyrinayo

0
162

24kii Saacadood eel as oo dhaafay waxaa falal amnidarro ay ka dhaceen Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbda Hoose, iyada oo ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo loo geystay askar iyo mid ka mid ah Nabadoonada ugu caansanaa Jubbaland

Haben ka hor waxaa Magalada Kismaayo lagu dilay Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee Jubbaland halka xalay lagu dilay  sarkaal ka tirsan booliska Jubbaland.

Qaar ka mid ah waxgaradka Magalada Kismaayo ayaa waxaa ay cabsi badan ka muujiyeen dilalka ka dhacaya Magalada Kismaayo, iyaga oo sheegay in amniga Magalada xilligaan uu yahay mid laga deyrinaayo.

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa dhankooda waxaa ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo ay ku doonayaan inay amniga ku xaqiijiyaan xilli ay dilal ka dhaceen Magalada Kismaayo.

Sidoo kale Magalada Kismaayo waxaa ka socda diyaar garow loogu jiro soo xulista Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland,iyada oo la  filayo in Bisha Agoosto ee sanadkan inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here