Kooxda Liverpool oo markii Lixaad ku guuleysatay Koobka Horyaalka Qaaradda Yurub

0
116

Kooxda Liverpool ayaa xalay markeedii Lixaad ku guulaystay koobka Horayaalada Qaaradda Yurub kadib markii ay 2-0 kaga adkaatay kooxda Tottenham oo ay kawada ciyaaraan Horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Liverpool ayaa kasoo ka batay guul darradii xilli ciyaareedkii hore ee kasoo gaartay Horyaalka Qaaradda Yurub kadib markii ay ka adkaatay kooxda Real Madrid.

Kooxda Spurs oo heshay fursado badan oo ay gool ku dhalin kareen ayaa waxaa rajadaas beeniyey gool hayaha Liverpool Alisson, kaas oo goolal badan ka badbaadiyay weeraryaanada kooxda Tottenham.

Maxamed Salaax oo xilli ciyaareedkii hore ka dhaawacmay Liverpool ayaa goolkii koowaad oo gool ku laad ahaa u dhalilyey kooxdiisa kaddib Liverpool kadib markii Moussa Sissoko uu kubadda gacanta ku taabtay.

Tababraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp, oo horay ugusoo guul daraystay Fiinaalihii 2013-kii iyo kii sanadkii lasoo dhaafay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay guusha uu lagaaray kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here