Manchester United oo goolhaye David de Gea siin doonta 20 milyan oo gini haddii uu xagaagan u wareego kooxda PSG

0
129

Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Manchester United ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa goolhaye David de Gea siin doonta 20 milyan oo kaash ah haddii uu xagaagan u wareego naadiga PSG ee Waddanka Faransiiska.

De Gea ayaa qandaraaskiisa garoonka Old Traffrod waxaa kaga harsan muddo 12 bilood ah, haddii uu xiddigan reer Spain tagayo isaga iyo Man United labaduba weli go’aan kama gaarin mustaqbalkiisa.

Waxaa jira soo jiidin badan oo tilmaamaysa in kooxda Paris Saint-Germain ay diyaar u tahay inay soo qaadato De Gea, iyagoo indhaha ku haya inay helaan bedelka goolhaye Gianluigi Buffon oo ka tagaya.

Sida uu warinayo Wargeyska The Sun, natiijadaas ayaa ka dhigan in Man United intii uu beeca xorta ah uga tagi lahaa ay iibiso De Gea, kaasoo siddeedii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey ku qaatay kooxda ka dhisan Waqooyi-Galbeed England.

Sababta ay Man United 20 milyan oo gini u siinayso De Gea haddii uu xagaagan ku biiro kooxda PSG ayaa waxa ay tahay in xiddigan reer Spain uu doonayo inuu sugo illaa iyo xagaaga danbe marka qandaraaskiisa uu dhacayo si uu si bilaash ah ugu biiro PSG una qaato lacag saxiix oo qaali ah.

Yeelkeede, warbixintu waxa ay sheegeysaa in Man United ay diyaar u tahay inay u gacan geliso 28-sano  jirkaan lacag dhan 20 milyan oo gini, laakiin waxa ay doonayaan inay kooxda PSG ka dalbadaan lacag ka badan 60 milyan oo gini.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here