Neymar Jr Oo Laba Arimood Oo Kala Daran Miiska U Saaray Maamulka Kooxdiisa PSG

0
96

Khilaafka xidiga xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr iyo maamulka kooxdiisa Paris Saint-Germain ayaa faraha ka sii baxaya kadib markii uu soo baxay war cusub oo sheegaya in Neymar uu waqti kama danbays ah u qabtay in lagu dhamaystiro heshiiska uu doonayo in uu Barca ugu laabto.

Madax waynaha kooxda Paris Saint-Germain ayaa ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee banaanka keenay in uu khilaaf wayni kala dhexeeyo Neymar JR kadib markii uu ku hanjabay in aanu u dul  qaadan doonin dhaqamada uu Neymar caadaystay oo uu albaabku u furan yahay haddii uu bixitaan doonayo.

Madax waynaha PSG ayaa si wayn uga cadhaysiiyay Neymar Jr kadib markii uu France Football u sheegay in aanu jirin hal qof oo Neymar Jr ku soo qasbay ama ku soo riixay in uu PSG ku soo biiro.

Laakiin Neymar Jr oo taas ka jawaabayay in madax wayne Nasser Al-Khelai uu u sheegay in aanu doonayn in uu markale u ciyaaro kooxdiisa isla markaana ay markii horeba qalad ahayd in uu ka soo baxay Barcelona.

Neymar Jr ayaa markale sii waday in uu raadiyo dariiqii uu kaga bixi lahaa PSG wxuuuna Nasser AlKhelai iyo maamulka kooxdiisa u qabtay waqti kama danbays ah isaga oo ku hanjabay in uu arin.

 

Waxa kaliya ee uu Neymar Jr maanta doonayo ayaa ah sidii uu dib ugu laaban lahaa kooxdii uu laba sanadood ka hor sida xun kaga baxay ee Barcelona isaga oo waliba diyaar u ah in uu si wayn u dhimo mushaarkii uu PSG ka qaadanayay.

Haddaba Waqtigee Ayuu Neymar Jr u qabtay Nasser Al-Khelai iyo kooxdiisa PSG?
Sida uu wargayska Mundo Deportivo shaaciyay, Neymar Jr ayaa maamulka kooxdiisa PSG ku wargaliyay in heshiiska uu ugu laabanayo Barcelona ay dhamaystiraan July 8 taas oo ah waqti aad u dhaw iyada oo ay socdaan waada xaajoodyada kooxaha Barcelona iyo PSG.

Nasser Al-Khelai iyo maamulka kooxdiisa PSG oo lacag badan ku doonaya xidiga reer Brazil ayaa sidoo kale xiisaynaya Philippe Coutinho iyo Nelson Semedo oo Barcelona ka tirsan kuwaas oo la layo in ay heshiiska Neymar door wayn ka ciyaari karaan.

Laakiin Nasser Al-Khelai oo la ogyahay sida uu ciyaartoyda u cadaadiyo marka ay dalbadaan in ay baxaan ayaan la layn in uu si sahlan ku sii dayn doono Neymar Jr taas oo keeni karta qodobka labaad ee uu xidiga reer Brazil ku hanjabay.

6/26/2019 Neymar Jr Oo Laba Arimood Oo Kala Daran Miiska U Saaray Maamulka Kooxdiisa PSG Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Go’aanka Uu C…
gool24.net/neymar-jr-oo-laba-arimood-oo-kala-daran-miiska-u-saaray-maamulka-kooxdiisa-psg-iyo-wararkii-ugu-danbeeyay-ee-goaanka-uu-camp-nou… 4/4
Dhinaca kale Neymar Jr ayaa doonaya in uu aamusnaanta ka baxo isaga oo la layo in uu
saxaafada kala hadli doono sida uu u doonayo in uu ka baxo PSG isla markaana uu u doonayo in uu Barcelona ku soo laabto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here