Qarax lalagetay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya

0
129

Warar dheeraad ah ayaa kasoobaxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM lagula eegtay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ayaa qarax Miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay agagaarka degaanka Halgan,waxaana la sheegay in qaraxa kadib ay ciidamada Itoobiya fureen rasaas farabadan.

Dad ku sugan Halgan ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo qaraxaasi kasoo gaaray Ciidamada Itoobiya,hayeeshee ay dadka u diidayaan in ay tagaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxaasi ay ku dileen Ciidamo Itoobiyaan ah,islamarkaana sidoo kale ay dagaal ku qaadeen Ciidanka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here