SHAX laga sameeyey 11-kii ciyaaryahan ee ugu bandhigga fiicnaa tartanka UEFA Nations League oo la shaaciyey

0
104

Xulka qaranka Portugal ayaa ugu dambeyn xalay ku guuleystay koobka UEFA Nations League, wuxuuna noqday xulkii ugu horreeyay ee ku guuleysta koobkan oo markii ugu horreysay la qabtay.

Marti-geliyeyaasha tartankan ee Portugal ayaa koobka ku guuleystay xalay kaddib markii ay 1-0 ku dileen dhiggooda Netherlands kulankii kama dambeysta ahaa.

Haddaba waxaa la shaaciyey shax laga sameeyey 11-kii laacib ee ugu bandhigga wanaagsanaa ama ugu fiicnaa tartanka UEFA Nations League.

Labada xul ee isugu soo haaray final-ka tartankan ayaa shaxdan xiddigaha ugu badan ku yeeshay, waxaana xulalka Holland iyo Portugal 11-kaan laacib laga siiyey min afar xiddig.

Xulka qaranka Switzerland ayaa dhankiisa shaxdan ku yeeshay labo laacib, halka xulka qaranka England uu uga soo muuqday hal ciyaaryahan waana goolhaye Pickford oo bandhig cajiib ah sameeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here