WAR DEG DEG Ah:.Ciidamada AMISOM oo la Wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan

0
427

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay amaanka Xafiisyada Maamulka Gobolka Hiiraan oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyahii xilka laga qaaday Yuusuf axmed Hagar.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa albaabka hore ee Xaruunta looga arimiyo Gobalka Hiiraan lama oga ujeedada ka dambeysa la wareegida Xaruunta Gobalka.

Wali waxaa Magaalada Baledweyne ka jirta Xiisadii ka dhalatay xil ka qaadidii uu Madaxweynaha Hirshabelle ku sameeyay Gudoomiyahii hore Yuusuf Dabageed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here