Wararkii Ugu Danbeeyey iyo Xaalada Deegaanka Kala-beer ee Duleedka Baladweyne.

0
334

Xaalada Deegaanka Kala Beer ee duleedka Magaalada Baladweyne ayaa Manta degan Kadib Iska hor imaad Kooban oo shalay lagu dilay Taliyahii Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan  Corneel Maxamed Macoow Xalane Laguna dhaawacay Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska Baladweyne Bashiir Cadaane .

Magaalada Baladweyne waxaana soconaya kulamo kala duwan oo ay wadaan wax-garad iyo odayaal dhaqameed kuwaas oo lagu doonayo in xaalada la qaboojiyo.

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa laga dareemayo Magaaalada Baladweyne waxaa wali Deegaanka Kala-beer ku sugan Ciidamada Gudoomiyahii Xilka Laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here