Ajaaniib ka mid noqotay dadkii ku dhintay Weerarkii Kismaayo & Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay

0
127

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii al-shabaab ku qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka

Kenyan 3 qof.

Canadian 1 qof.

British 1 qof.

American 2 qof.

Tanzanian 3 qof.

Axmed Madoobe ma cadeynin in dadkan ajnabiga ah ay yihiin dad asalkoodu yahay Soomaali oo qaatay dhalashooyinka uu sheegay iyo in kale.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay kuwaasoo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here