Caruurta ku nool magaalada Muusil oo sanado kadib helay adeegii Waxbarashada

0
143

Caruurta ku nool magaalada Muusil ee waqooyiga ciraaq ayaa bilaabay in sanado kadib ay dib ugu laabtaan Iskuulada.

Hal sano ka hor mudo hada laga joogo ayaa milatariga dowlada waxay sheegeen in gabi ahaan la ciribtiray kooxda daacish oo sanado ka hor la Wareegtay.

Iskuulka Al-Hudaa oo ku yaal magaalada muusil ayaa tan iyo markii ay la wareegtay kooxda daacish ayaa waxaa ku waxbarasho waayay 320 Arday.

Kooxda ayaa sidoo kale la wareegtay xarumaha dowlada iyadoo goobaha waxbarashada gaar ahaan iskuulada oo ay u adeegsaneysay tababaro iyo in ay ku faafiso fikirkeeda Dagaal.

Najad Xamdi oo ah gabar 12 jir ah ayaa sheegtay in aysan filaneyn in kooxda daacish laga saari doono magaalada Muusil oo ay heli doonan adeega Waxbarashada.