Ciidanka Puntland Oo nin Sheekh ah Ku Xiray Magaalada Boosaaso

0
134

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka amniga Puntland halkaas ay ku xireen Sheekh Caan ahaa.

Sheekha la xiray ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Macalin Axmed,isla markaana waxaa uu ahaa Guddoomiyihii Guddiga Wadada dhexmarta Bartamaha Boosaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Sheekh Maxamed Macalin maalmihii lasoo
dhaafay safar uu uga maqnaa Magaalada Boosaaso,hayeeshee Caawa xabsiga la dhigay.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ku kala xiray xubno ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso,iyadoona Puntland xustay in Maxkamad la soo taagi doono dadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here