{DAAWO SAWIRADA} Gudomiyaha Caraale oo 40 Maalin Kadib Ku shaqeyay Xarunta Maamulka G,hiiraan

0
179

Gudomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Maxumed Carale oo ay hareer fadhiyaan wasiiro katirsan maamulka Hirshabelle ayaa markii ugu horeeysay shir jaraa’id kudhex qabtay xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.

Xarunta Gobolka Hiiraan looga arimiyo waxaa ku sugan wasiirada caafimadka,dib u heshisinta, dekedaha, qeeyraadka iyo wasiirka madaxtooyada Hirshabelle.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Cali Maxamed Caraale oo maanta ku wareegay xafiiskiisa ayaa ka codsaday dadweynaha reer Hiiraan, Dhaqan, Siyaasiyiin, Dhallinyaro, Haween iyo Ganacsato in ey garab ku siiyaan si uu u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

 

Wuxuuna u ballanqaaday inuu ku shaqeynayo caddaalad iyo sinnaan iyo inuu abuuro dadka reer hiiraan oo mid ah, isjecel kana wada shaqeynaya horumarka dhaqan dhaqaale iyo danta reer Hiiraan, kuna dadaali doonaa Xasilinta, Amniga, Garsoor caadil ah, Sinnaan, Horumarinta Dhallinyarada iyo Haweenka, sare u qaadidda Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo inay noqoto Hiiraan xarunta isku xirta ganacsiga soomaaliya gudaheeda iyo kan wadamada deriska la ah.

 

waa markii ugu horeysay ee uu xafiiska fadhiisto Cali muxumed Caraale Tan iyo markii loo magacaabay Xilka Gudoomiyaha Gobolka hiiraan.