(DAAWO SAWIRADA) Madaxweyne Waare oo dib ugu Laabtay Jowhar

0
154

Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Maalmahaan Magaalada Beledweyne ku sugnaa ayaa dib ugu soo laabtay galabta Magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa saakay ka ambabaxay Magaalada Beledweyne isagoo galinka hore gaaray magaalada dhuusa mareeb galabtana ka soo ambabaxay halkaasi, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar Kaga hortagay Madaxweyne ku xigeenka, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle, xubo ka tirsan labada gole ee dowladda iyo maamulka Gobolka iyo kan Degmada, kuwaasi oo soo dhoweeyay madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here