{DAAWO SAWIRADA} Qaban qaabo Lagu so dhaweynaayo RW Kheyre oo ka socota Guriceel

0
124

Waxaa haatan  laga dareemayaa Degmada Guriceel ee G/Galgaduud qaban qaabada soo dhawaynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu huggaaminayo oo saacadaha nasoo aadan tegaya degmadaas, iyaga oo haatan ku sugan degmada Dhuusamareeb.

Wasiiro  ka mid ah  Xukuumadda Soomaaliya, Madax katirsan Maamulka Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka  ayaa waxaa ay ka mid yihiin Socdaalka safarka dhulka ah ee uu Ra’iisul Wasaare kheyre ku tegayo Degmada Guriceel.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnaha la socda ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Mamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyaga oo wadatashi kala sameyn doona  xaalada Galmudug iyo doorashada kusoo fool leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here