{DHAGEYSO} Caasha Geelle oo ka cabsi qabto in la xiro

0
123

Marwa Caasha Geelle Diiriye oo Warbaahinta kula hadasahay Magalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ka hadashay Xubnaha guddiga dhismaha wadada Boosaaso ee la xiray & xariga ay sheegtay in lala damacsan yahay.

Waxaa ay Madaxda Maamulka Puntland ka dalbatay Marwa  Caasha Geelle inay si deg deg ah u siidaayaan Xubnaha Guddiga oo ka kooban Odoyaal,Ganacsato iyo Culimo’udiin ,kuwaas oo Boosaaso lagu xiray.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in Magalada Gaalkacyo laga dareemayo Dhalinyaro is abaabulay iyo Ciidamo, iyada iyo Guddiga dhismaha Garoonka Cawaale ka difaacaya inay ciidamada Puntland xiraan.

Waxaa ay sheegtay in ay wadan wadahdallo iyo qorsho ay ku joojinayaan in uu dagaal dhexmaro dhalinyarada iyo ciidamada puntland,waxaana Madaxda sare ee Puntland ay ka dalbatay inay joojiyaan xeritaanka dadka horumarka wada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here