{DHAGEYSO} Xildhibaan sheegay in dowladdu rabto inay ka tanaasusho Arrinta Badda

0
123

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay maqleen maalmahaan in madaxda Dowladda Soomaaliya ay doonayaan inay ka tanaasulaan arrinta Badda ee kala dhaxeysa Dowladda Kenya oo taalla Maxkamada ACJ.

 

Waxa uu sheegay inay jiraan Dowlado iyo safaarado dowladda cadaadis ku saaraya ka tanaasulida arrintaas,isla markaana doonaya in banaanka maxkamada si wadahdal ah loogu dhameeyo, hayeeshe taasi ay noqoneyn wax la aqbalayo.

 

Marka laga soo tago hadalka Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa waxaa warbaahinta Kenya qaarkood ay qoreen in arrinta badda ay ka wada hadli doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana garwadeen uu ka noqon doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wallow hadalkaas Madaxtooyada Soomaaliya beenisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here