Dowladda Canada Oo Ka Hadashay Weerarkii Ka Dhacay Kismaayo

0
153

Dowladda Kamada ayaa waxaa ay ka hadashay weerarkii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo,kaasi oo lagu qaaday Hotelka Madiina (Ex-cascaseey) oo ku yaalla Magaaladaas.

Kamada ayaa sheegtay inay ka war heleen weerarka ku Bilowday qaraxa iyo midka tooska ahaa ee ka dhacay Kismaayo,hayeeshee aysan xaqiijin karin Aqoonsiyadda Dhibanayaasha ah.

Qunsulliyadda Kanada ee ku taalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa la sheegay inay la xiriirtay Mamaulka Maxaliga,si loo ururiyo warbixinta ku aadan qaraxaasi.

Weerarkaasi oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab sheegteen waxa uu qaatay muddo 13-saacadood, iyadoo Hay’addaha Ammaanka ee Jubbaland ay soo gebagebeeyeen Hawlgalkii lagu soo af-jaray weerarkii ka dhacay Hotelka Madiina.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa kamid  ah Weriye Hodan Naaleeye oo aheyd Gabar siweyn looga yaqaanay baraha Bulshad kana timid dalka Canada, Fariid Jaamac oo isna ahaa Seyga Hodan Naaleeye, Maxamed Cumar Sahal Gacmo Dheere oo Wariye ahaa,kaasi oo u shaqeyn jiray TV-ga SBC iyo Radio Ergo.

Sidoo kale dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray Musharax Madaxweynanaha maamulka Jubbaland Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo maalmo kahor tagay Kismaayo kana waday olole iyo Mahad Xaji Abdulahi Nuur (Garguurte) oo ahaa Nin Ganacsade ah,kaasi oo saakay Meydkiisa laga helay gudaha Hotelka Cas-caseey.

Marxuumadda Hodan Naaleeye oo caan ku ahayd Baraha Bulshadda sida Facebook iyo Twitter, waxayna Boggeeda Instagram-ka oo keliya ku lahayd 152,000 oo Macaamil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here