Ehelada Muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand oo si lacag la’aan ah kusoo xajinaya

0
110

Ehelada dadkii muslimiinta ahaa ee lagu laayay masaajid kuyaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa sanadkan helaya duulimaad iyo adeeg bilaash ah si ay usoo gutaan acmaasha Xajka.

Ku dhawaad 200-xubnood oo kamid ah ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii lagu qaaday masjidka magaalada Christchurch ayaa loogu deeqay in sanadkan si lacag la’aan ah ku tagaan Sacuudiga kuna xajiyaan.

Wasiirka Arimaha diinta Islaamka ee Sacuudiga Sheikh Abdulladif Al Sheikh ayaa sheegay in ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii New Zealand ugu deeqeen duulimaad iyo adeeg bilaash ah si ay looga tiro murugada dhibkii kasoo gaaray weerarka.

”Waxaan casuumnay walaalaha eheladooda ku waayay weerarkii masjidka Christchurch ,waxaan inta karaankeena dhimeynaa laxawgii kaga yimid dhimashada ehelkoodii ,waxaan sidoo kale rabnaa talaabadan in aan kula dirirno islaam naceybka ” Ayuu yiri Sheekh Abulladif.

Wasiirka ayaa sidoo kale balan qaaday in ehelada dadkii lagu laayay dalka New Zealand u fududeeyaan dhamaan adeegyada ay xujeyda u baahan yihiin inta lagu guda jiro gudasha acmaasha xajka.

Nin Cunsuri ah ayaa 15-kii bishii Marso ee sanadkan weerar ku qaaday Masjid muslliimnta ku lahaayeen magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, waxa uuna halkaasi ku dilay dad ka badan 50-qof oo Muslimiin ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here