FAAH FAAHIN qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

0
130

Qof isa soo midaamiyay ayaa ku qarxay Maqaayad yar oo laga Shaaxo kuna taala kasoo horjeedka Xarunta Inji oo kamida goobaha ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah Hay’adda Dowliga ee Galmudug sida uu Hiiraanweyn u sheegay qof Goobjoog ah

Waxaa meesha ku dhintay Ruuxa is qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay 5 Qof oo kale oo 4 kamida ay yihiin Haweneyda Maqaayadda laheed iyo 3 Caruur ah oo ay dhashay.

Goobta wax ka dhaceen ayaa waxa yimid Saraakiisha iyo Ciidamadda Galmudug kuwaa oo baaritaan kawada Goobta.

 

Maamulka Dhuusamareeb iyo kan Galmudug wali kama hadal qaraxa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here