Isku Aadka Afar Dhamaadka Koobka Qaramada Afrika Oo Si Rasmi Ah Loo Shaaciyay.

0
132

Kadib markii la soo gaba gabeeyay kulamadii siddeed dhamaadka koobka qaramada Afrika ee dalka Masar ka socda waxaa si rasmi ah hadda loo ogyahay isku aadka wareega afar dhamaadka tartankan iyo waliba taariikhda kulamadan la ciyaari doono.

Xulalka qaramada Senegal, Algeria, Tunissia iyo Nigeria ayaa noqday afarta xul ee wareegan iskugu soo hadhay ee mid ka mid ahi uu koobkan ku guulaysan doono.

Xulallka qaramada Tunisia iyo Algeria oo ah labada xul ee kaliya ee baaqiga ka sii ah Carab-Afrikaankii koobkan ku jiray ayaa caawa ka soo gudbay wareega siddeed dhamaadka.

Kulan xiiso badan ayaa afar dhamaadka koobka qaramada Afrika ku dhex mari doona xulalka Nigeria iyo Algeria waana labada xul ee loo arko in midkii soo baxaa uu koobkan ku guulaysan karo.

Xulalka qaramada Senegal iyo Tunisia ayaa madaxa iskula gali doona afar dhamaadka koobka qaramada Afrika iyada oo labada xulba ay dagaal wayn soo galeen intii uu tartankani socday.

Kulamada afar dhamaadka koobka qaramada Afrika waxaa la ciyaari doonaa axada iyada oo jimcaha barri iyo sabtida la nasan doono.

Halkan kaga bogo Isku aadka Afar Dhamaadka koobka qaramada Afrika, waqtiga iyo taariikhda la ciyaari doono oo dhan.

Senegal vs Tunissia– Taariikhda: Axada, July 14, Waqtiga: 7:00 Fiidnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Algeria vs Nigeria– Taariikhda: Axada, July 14, Waqtiga: 10:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here