Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

0
93

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  ayaa Maanta oo Jimce ah waxa uu kulan gaar ah la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlen Arrimo ay ka mid ahaayeen sida dib u habeynta hanaanka Maaliyadda, iyada oo la tixraacayo heshiiskii Hay’adda IMF ee hagaajinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid guul ku dhamaaday,isla markaana uu rajeynayo in hagaajinta dhaqaalaha dalka uu sahli karo deyn cafinta Soomaaliya.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa intii ay jirtay waxaa ay ku howlaneyd hagaajinta hanaanka maaliyadeed ee dalka,waxaana madaxda ugu sareysa dalka ay sheegeen in Soomaaliya ay ku dhow dahay in deynta laga cafiyo.