Madaxweyne Laftagareen oo sheegay in maamulkooda ay diyaariyeen ciidamo loo……..

0
100

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay in maamulkooda ay diyaariyeen ciidamo loogu talo galay inay sugaan Amniga Guud ee deegaanada gobolka shabeellaha Hose.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadaas ay qaarkood tababarka u dhamaadeen qaarkoodna u socdaan,isla markaana loogu talo galay inay xaqiijiyaan Amniga wadada xiriira Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

“Gaadiidkii, Qalabkii iyo Agabki ay ku Shaqeyn lahaayeen Cidamada sugaya Amniga muqdisho iyo baydhabo waan diyaarinay,waxaa kaliya harsan in la guda galo,ciidamada waxaa ay sugayaan amniga Shacabka ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Badi dadka ku safra wadad xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa dhibaatooyin waxaa ay kala kulmaan Rag hubeysan oo ku labisan dareeska Ciidanka dowladda,kuwaas oo dhac iyo dhibaatooyin kale u geysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here