Magacyada iyo Sawiradda Dadka caan ka ah ee ku geeriyooday Weerarka Kismaayo oo Kordhay

0
263

Ciidanka nabad suggida Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay dhammaan toogtay Kooxdii weerartay Hoteelka Cascasey ee Magaalada Kismaayo Shalay Gelinkii dambe, islamarkaana ay soo badbaadiyaan dad badan.

Ku dhaawaad 20 ruux ayaa geeriyootay, waxaana Sacadba Saacadda ka dambeysa sii kordhaya Khasaaraha dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Isbitaalada Magaalada Kismaayo ayaa la geeyay dhaawacyo badan , islamarkaana howlwadeendda Caafimaadka ayaa ku howlan u gargarida dadka.

Magacyada qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo

Hodon Naaleeye oo ahayd Gabar Wariye ah caanna ka ahayd baraha Bulshada,Hodon waxaa ay heysatay Canada waxaana ay lahayd Bogga Internetka ee Integration TV, waxaa ay ku baahin jirtay muuqaallo sawir wanaagsan ka bixinaya Soomaaliya.

Hodon waxaa ay 15kii Bishii June ee la soo dhaafay Tuulo Barwaaqo oo ku taalla Gobolka Sanaag ka furtay Iskuul ay wax ku baranayaan 150 Carruur ah oo ka soo jeeda dadka Reer aGuuraaga ah.

Waxaa kale oo dadka dhintay ka mid ah, Seyga Hodon Naalleeye oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac, waxaa uu Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ka soo noqday Jubaland

Wariye Maxamed Sahal Gacmadheere, waxaa uu ahaa Wariye ka howlgalayay Telefeshinka SBC xaruntiisa Kismaayo.

Dadka kale ee ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ahaa Ganacsade lagu magacaabi jiray Arbacow Rukun,waxaa kale oo dadka dhintay ka mid ahaa  Deeq Ciise Wabi oo u shaqeynayay Hay’ad aan dowli ahayn.

Sidoo kale waxaa weerarka Hotelka Cas casey ku dhintay Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxweynaha doorashada Jubaland.

Waxaa kale oo weerarkaas ku dhintay Mahad Cabdullahi Nuur (Garguurte) oo ka dhashay qoys Ganacsiga caan ku ah islamarkaana deggan Tanzania,waxaa isaga iyo ganacsato u kala dhashay China iyo Tanzania u tageen Kismaayo in ay qiimeyn ku sameeyaan Ganacsi ay maalgashan karaan, mid ka mid ah dadka u dhashay China ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Dadka weerarka Hotelka ku nafwaayay waxaa ka mid ah Nin magaciisa lagu sheegay Ina Cigaal Shidaad oo Kismaayo u joogay arrimaha doorashooyinka Odayaasha dhaqankana ka mid ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here