Malayshiyaadkii ku dagaalamay Ceel-Afweyn oo lagu guulaystay inla kala qaado.

0
147

Maleeshiyo beeleed Ku Dagaalamay Degaanka Ceel Afweyn ayaa lagu guulaystay in lakala qaado si loo xaliyo dirirta u dhexaysa.

Waan Waan Labadii Maalmood ee ugu dambaysay laga dhex waday beelihii ku dagaalamay Degaanka Ceel-Afweyn Ayaa meel wanaagsan maraysa Sida ay sheegeen Masuuliyiinta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi u xilsaaray dabinta xiisadaan.

Masuliyiintaan ayaa sheegay in ay xooga saareen ugu horayn in ay hubka ka dhagaan Maleeshiyo beeleedka ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay hubka ka dhagaan mid kamida labada dhinac,halka dhinaca kalana uu wada hadal u socdo.

Dagaalka oo salka ku haaya aano qabiil ayaa sanadyadii ugu dambeeyay ku soo laa laabtay deegaanada hoos taga Ceel-Afweyn ayaa galaaftay nolosha tobonaan ruux waxaana socda qorshe hubka looga dhigaayo.

Shalay ayay aheed markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaayo uu ku baaqay in dagaalka Ceel Afweyn si shuruud la’aan ah loo joojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here