WAR DEG DEG AH Qarax ka dhacay Magalada Dhuusamareeb

0
84

Wararka goordhow naga soo gaaray Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax inta badan laga maqlay Magalada.

Wariyeyaal ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa qof isa-soo miidaamiyay,isla markaana uu ka dhacay kasoo horjeedka Xarunta Inji oo uu ku Shaqeeyo Maamulka Galmudug gaar ahaan Xafiiska Madaxa Xukuumadda ee Maxamed Shaakir Cali xasan.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas,waxana kasoo baxaya warar kala duwan,iyada oo Ciidamo farabadan ay gaareen  halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxaan ka dhacay Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magalada Dhuusamareeb uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here