Wararkii ugu dambeeyay Weerarkii Kismaayo iyo Khasaaraha oo sii kordhay

0
115

Ciidanka nabad suggida Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay dhammaan toogtay Kooxdii weerartay Hoteelka Cascasey ee Magaalada Kismaayo Shalay Gelinkii dambe, islamarkaana ay soo badbaadiyaan dad badan.

Ku dhaawaad 20 ruux ayaa geeriyootay, waxaana Sacadba Saacadda ka dambeysa sii kordhaya Khasaaraha dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Isbitaalada Magaalada Kismaayo ayaa la geeyay dhaawacyo badan , islamarkaana howlwadeendda Caafimaadka ayaa ku howlan u gargarida dadka.

Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa lagu waddaa in ay Saaxaafada la hadlaan ayna ka warbixiyaan Guud ahaan Khasaaraha iyo Sidda ay wax u dhaceen.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Musharax Madaxweyne Jubbaland Maxamed ismaciil Shuuriye, Hodan Naaleeye oo aheyd Gabadh ka timid dalka Canada oo Wariye aheyd oo si weyn looga yaqaanay Soomaaliya iyo Seygeeda Fariid Jaamac oo horay Wasiir kaga soo noqday Jubbaland, Deeq Wabi oo dhawaan ka yimid Mareykanka ahaana Madaxa Hay’adda SADO, Maxamed Sahal Gacmadheere oo ahaa Wariye ka tirsan Radio Ergo iyo TV-ga SBC.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa  Ganacsade Mahad Cabdulaahi Nuur Garguurte.Mahad oo ahaa Nin dhalinyaro ah ayaa ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed, isaga oo ganacsi ballaaran ku lahaa dalka Tanzania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here