Wasiir Arimaha Dibadda Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho

0
108

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan aan caadi aheyn waxa uu xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kula qaatay qaar kamid ah safiirada wadamada Caalamka qaarkood u fadhiya magaalada Muqdisho.

Kulanka Wasiirka uu la qaatay safriirada uu isugu yeeray ayaa ahaa mid albaabada u xirnaayeen , waxaana kulankan la sheegay in diirada lagu saaray arimo xasaasi ah oo kusoo kordhay siyaasada arimaha dibadda Soomaaliya.

Marka uu shirka uu soo dhamaaday ayaa Wasiirka arimaha dibadad Soomaaliya saxaafada u sharaxay waxyaabihii kasoo baxay kulanka uu la qaatay qaar kamid ah Safiirada wadamada Caalamka u jooga Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in dowadda Soomaaliya ay Somaliland u aaminsan tahay in ay ka mid ah tahay dhulka Soomaaliya, ayna jiri karin dowlad u sameyn karta Maqaamka dowladeed ee Soomaaliya oo kale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland hormarkeena ay jecel yihiin laakiin uusan waxba ka badali karin in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya oo cidii dowlad u aqoonsataa in jabisay Qaranimadda Soomaaliya iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

Mr Cawad ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dowladu shisheeye oo ka shaqeenaya hagar daamo kuna xad gudbaya midnimada Soomaaliya, waxa uuna dowladahaasi uga digay in ay ka waantoobaan ficilada ay ku dhaqaaqayaan.

Waxa uu sidoo kale Wasiir Cawad sheegay in Wakiilada Caalamka kala hadlay xaalada dalka Sudan , waxa uuna  sheegay in dhammaan Safiiradda ay isla garteen in la taageero heshiiskii dhawaan ay gaareen Golaha Milatariga Suudan iyo Kooxda mucaaradka.

Wasiirka ayaa  sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto Sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Suudaan, islamarkaana Ururka Jaamacadda  Carabta uu ku dadaali doono in dowlad buuxda laga dhiso dalka Suudaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirka u jartay dowlada Geni kadib markii dalkaasi si maqaam sare ah loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi oo booqasho rasmi ah dalkaasi ku tagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here