{AKHRISO} Liiska Baarlamaanka Cusub ee Jubbaland oo lagu dhawaaqay

0
62

Guddiga Madaxa bannaan ee Xaduudaha iyo doorashooyinka Maamulka Jubbaland ayaa Caawa oo Taariikhdu ku beegan tahay 12/8/2018 waxaa ay ku dhawaaqeen Magacyada liiska Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha & doorashooyinka Jubbaland Axmed Cumar Maxamed ayaa akhriyay Magacyada Xildhibaannada Cusub oo gaaraya 73 mudane,waxaana uu sheegay in laba Xubnood ay Baarlamaanka Cusub ka harsan yihiin,kuwaas loo hakiyay sababo farsamo aawgeed.

Waa Baarlamaankii labaad uu yeesho  Maamulka Jubbaland tan iyo markii la Aas’aasay,waxaana la filayaa inay Xidhibaannada doortaan Madaxweynaha Cusub ee uu yeelanayo Maamulkaas.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here