{DAAWO SAWIRADA} Liverpool Oo Garaacday Southampton,

0
102
SOUTHAMPTON, ENGLAND - AUGUST 17: Sadio Mane of Liverpool celebrates after scoring a goal to make it 0-1 during the Premier League match between Southampton FC and Liverpool FC at St Mary's Stadium on August 17, 2019 in Southampton, United Kingdom. (Photo by James Williamson - AMA/Getty Images)

Liverpool ayaa guul muhim ah ka gaartay kooxda Southampton iyagoo 2-1 ku garaacay kulankii ay martida u ahaayeen kooxda Saints. Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa shabaqa u soo taabtay halka goolhayahooda Adrian qalad uu sameeyay ay Southampton ku heshay goolka kaliya.

Qeybtii hore Liverpool waxaa ka muuqday daalka ay ka soo qaadeen kulankii UEFA Super Cup iyadoo kooxda Reds ay ciyaareyso isbuuc gudahiis seddex kulan, islamarkaana kulan 120 daqiiqo ahaa la soo ciyaartay Chelsea.

Waxay taasi fursad u noqotay kooxda martida loo ahaa ee Southampton kuwaasoo helay afar fursadood oo goolal loo fushay iyadoo goolhaye Adrian oo ka soo kabsaday dhaawicii soo gaaray habeenkii Arbacada uu kubado fiican ka beeniyay kooxda Saints.

Laakiin Reds ayaa soo bandhigtay khibrad markii ay hogaanka u qabteen ciyaarta dhamaadkii qeybta hore iyadoo Southampton ay gacanta sarre laheyd 45tii daqiiqo ee ugu horeysay oo dhan.

GOOOL! Daqiiqadii 45+1: Foori gacan loo dhiibay Milner ayaa waxa uu kubada u baasay Sadio Mane oo afka hore ee xerada ganaaxa joogay, xiddiga reer Senegal ayaa kubada ka leexsaday Bednarek ka hor inta uusan darbo fiican shabaqa ku hubsanin, waxaana ay aheyd gool aad u qurux badan.

Sadio Mane waa mid ka mid ah labo xiddig Premier League ka ciyaarta oo ugu yaraan 20 gool dhaliyay tartamada oo dhan sannadkan 2019, xiddiga kale waa Sergio Aguero.

Liverpool ayaa qeybtii labaad wax ka bedeshay ciyaarteeda iyagoo fursad fiican helay, tii ugu horeysay waxa ay soo martay Mohamed Salah, ka dib Mane ayaa kubad waxaa ka badbaadiyay goolhayaha halka Firmino uu kubad gool loo fishay qasaariyay daqiiqadii 65aad,.

Daqiiqadii 67aad kooxda Southampton ayaa ku dhawaatay inay barbareyso Liverpool waxaana Reds ugaarsan rabay weeraryahankoodii hore Danny Ings kaasoo bedel ciyaarta ku soo galay isagoo si ciriiri ah darbadiisa ku hareermariyay goolka.

GOOOL! Daqiiqadii 71aad: Qalad difaacasho oo ay Southampton sameysay ayaa Liverpool ay hadiyad ahaan ku heshay goolka labaad. Foori gacan ay Southampton soo tuurtay ayaa keentay in kubada laga qaado Bednarek, waxaa kubada helay Firmino oo si farsamo ah uga leexsaday Vestegaard ka hor inta uusan kubada dabamarinin goolhaye Gunn.

Liverpool ayaa barbareysay rikoorkeedii hore ee ay labo gool ama wax ka badan 11 kulan oo tartan rasmi ah oo isku xiga dhalisay, markii ugu danbeysay ee ay sidaas sameyso waxay aheyd Febraayo ilaa April 2014 oo ay badiyeen 11 kulan oo isku xigta oo Premier League ah.

Saint-Germain Oo Jawaab Ka Bixisay Labadii Dalab Ay Kooxaha Real Madrid & Barcelona Ka Soo Gudbiyeen Neymar

GOOOOL! Daqiiqadii 83aad: Goolhayaha Liverpool Adrian ayaa hadiyad gool u siiyay Southampton. Adrian ayaa kubad ay aheyd inuu iska bixiyo ka daahay, waxaana darbadii uu ku bixin lahaa ay ku dhacday Danny Ings iyadoo kubada ay shabaqa gashay. Goolhayihii koobka u qaaday Liverpool Arbacadii ayaa haatan sameeyay qalad aan marmarsiiyo laheyn.

Gool ay heshay Southampton ayaana hali geliyay Reds iyadoo kooxda Saints ay ku dhawaadeen daqiiqado ka dib inay barbareeyaan markii uu Ings kubad halis ah hareermariyay goolka.

Ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Liverpool ku badisay, iyagoo haatan lix dhibcood iyo farqi goolal oo 4 ah hogaanka uga qabatay Arsenal oo iyadana lix dhibcood leh iyo farqi goolal oo 2 ah.

Isbuuca soo socda Liverpool waxa ay Anfield ku soo dhaweyn doontaa kooxda Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here