{DHAGEYSO} Xilliga ay Dhaceyso doorashada Jubaland oo lasoo hormariyey

0
138

Guddiga doorashada Jubaland garabka uu magacaabay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa isbadal ku sameeyay jadwalkii hore ee doorashada.

Qoraal maanta kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 17-ka bishan ay dhici doonto doorashada guddoonka baarlamaanka cusub halka doorashada Madaxweynahana ay dhici doonto 19-ka bisha.

Dhinaca kale, waxaa maantaa magaalada gaaray wafdi ka socda AMISOM iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.