Faah faahino weerar ku bilaawday qarax iyo dagaal toos ah oo kadhacay Awdheegle

0
156

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilaawday qarax iyo dagaal toos ah oo Maanta lagu qaaday Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la sheegay in uu halkaasi ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa DANAB oo dhawaan Awdheegle la wareegay iyo Al-Shabaab,dagaalkaas oo uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad ku sugan Awdheegle ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka uu markii hore ku bilaawday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,sidoo kalena uu jiray dagaal xoogan oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo weerarkaas ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in laba Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ku weerareen Saldhiga Ciidamada Dowladda ee Awdheegle kuma dileen Tobaneeyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya wallow ilaa iyo hadda aysan jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay sheegashadaas.

Lixdii Bishaan Agoosto ayaa weerar ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa DANAB degmada Awdheegle waxaa ay kala wareegeen Al-Shabaab oo mudo sanado ah maamulayay,waxaana jiray howlgallo maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen tuulooyin hoostaga degmada Awdheegle.