Goormee ayeey dib ugu soo laabanayaan Özil iyo Sead Kolašinac kooxda Arsenal?

0
64

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa qirtay inuusan garaneyn goorta ay awoodi doonaan inay dib u soo laabtaan xiddigaha Mesut Özil iyo Sead Kolašinac. Kaddib markii ay seegeen kulankii Newcastle United sababa amniga la xiriira.

Mesut Özil iyo Sead Kolašinac ayaa ka maqnaa liiska kooxda Arsenal kulankii ay axadii 1-0 kaga badiyeen Newcastle United, kulankooda dah furka ee horyaalka Premier League xili ciyaareedka cusub 2019/2020.

Sabtidii lasoo dhaafay booliska ayaa qabtay laba qof oo lala xiriirinayo “dambi ka dhan ah nidaamka guud” iyagoo ku sugan agagaarka guriga Mesut Özil oo asal ahaan ka soo jeeda Turkiga.

Unai Emery ayaa sheegay in kooxda ay ka shaqeyneyso arintan, balse uusan garaneynin goorta ay dib u heli doonaan labadan ciyaaryahan.

Arsenal ayaa la ciyaari doonta kooxda Burnley sabtida soo aadan kulankooda labaad ee horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here