Loolan adag oo loogu jiro cida noqonaysa duqa Muqdisho

0
102

Tartan Xoog leh ayaa loogu jiraa cidii noqon laheyd gudoomiyaha gobalka banadir ahna duqa Muqdisho kadib markii uu dhawaan geeriyooday gudoomiyhii gobalka banadir ahaana duqii Muqdisho C.raxmaan Cumar Cismaan Yariisaw.

Saqsiyaadka doonaya xilkaan ayaa ukala qeybsan sidex qeyb qeybta waxaana xubnaha qaar ay aad ugu dhaw madaxda sare ee dalka waxaana aad ka dhaadhicinayan in iyaga ay ku haboonyihiin booskaan ayna daneynayaan in loo magacabo.

Xubnaha kale ayaa iyagana aad ugu dhaw saqsiyaad saaxib la ah madaxda hada talada heysa waxaana xubnaha saaxibka la ah madaxtooyada ay doonayaan in siyaasiyiinta ay wataan xilkaan loo magacabo.

Qeybta ugu dambeysa ayaa ah  kuwa ay taageerayaan dhaqanka  Beelaha ayna doonayaan in xilkaan iyaga loo magacaabo.

Inkastoo ay suuqa ku jiraan xubno caan ah oo hadba mid loo saadaalinayo in loo magacaabayo xilka Maamulka Gobolka Banaadir, hadana waxaa suura gal ah in ruux aan la fileyn oo aan saadaasha ama Suuqa ku jirin in la magic

Inkastoo xilkaan ay dad badan doonayaan hadana waxaa laga sugayo gudoomiyaha iman doono iyo qodobada looga bahanyhay in uu wax ka qabto ayaan weydiiyey Ismaaciil  Muxudiin Shaatax gudoomiyaha ururada bulshada rayidka.

Dadka indha indheeya siyaasadda ayaa sheegaya inay ku xiran tahay shaqsiga loo xusho awood ahaan taageerada uu  ku dhex leeyahay beelaha dega muqdisho iyo sida Madaxweynaha ugu kalsoonaan karo, waana su’aasha kaliya ee taagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here