Seddex Kooxood Oo Arsenal Kula Soo Biiray Tartanka Saxiixa Xiddiga Barcelona Philippe Coutinho

0
122

Tottenham ayaa kula biirtay kooxda Arsenal tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Barcelona Philippe Coutinho sida ay sheegtay idacaada Ingariiska ee talkSPORT.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa ogolaatay inay fasaxdo kubadsameeyaha reer Brazil waxaana wararka laga helayo Spain ay sheegayaan in dalab rasmi ah oo Philippe Coutinho dib loogu soo celinayo horyaalka Premier League la sameeyay iyadoo Coutinho uu ka soo hoos ciyaaray tababaraha Tottenham Mauricio Pochettino markii ay wada joogeen Espanyol.

Coutinho ayaa doonaya inuu ku laabto horyaalkii uu magaca ku sameysay iyadoo sidoo kale ay heshiiska amaahda xiiseynayaan kooxaha kale ee Premier League ee Manchester United iyo kooxdiisa hore ee Liverpool.

Wacdarihii uu u dhigay Liverpool ayaa keentay in Barcelona ay ku iibsato 142 milyan ginni sannadkii hore laakiin 18 bilood ka dib xiddigaan ayaa u muuqda mid ku soo laabanaya horyaalka Ingariiska.

Afarta kooxood ee Ingariiska ayaa heysta ilaa iyo 5ta galabnimo waqtiga Ingariiska maalinta Khamiista inay ku dhameystiraan saxiixa xiddigaan markaasoo uu xirmayo suuqa kala iibsiga Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa aheyd kooxdii ugu horeysay ee dalab amaah ah ka gudbisay Philippe Coutinho sida ay sheegtay jariirada Faransiiska ee L’Equipe laakiin waxaa haatan ka daba tagay Tottenham oo iyadana dalab amaah gudbisay halka Liverpool iyo Man United ay qiimeynayaan xaalada.

Tottenham ayaa u aragta saxiixa Philippe Coutinho mid ay ku bedeli karaan xiddiga khadka dhexe ee Denmark kaasoo la filayo inuu u wareego Manchester United ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here