Shaxda Ugu Qaalisan Taariikhda Kubada Cagta Oo La Soo Saaray.

0
66

Ka dib markii shalay uu Harry Maguire noqday daafaca ugu qaalisan dunida, waxaan maanta eegi doonaa shaxda ugu qaalisan dunida ka soo bilow goolhaye ilaa iyo goodhaliye.

Dhamaan 11ka xiddig ee ugu qaalisan dunida waxaa la iibsaday seddexdii sannadood ee ugu danbeysay iyadoo heshiiska ugu da’da weyn ee ku jira shaxdaan uu kii ay Manchester United 89ka milyan ginni ugu soo iibsatay Paul Pogba.

Kepa Arrizabalaga | Chelsea | £71.6m

Maalmo ka hor heshiiskaan Liverpool ayaa rikoorka goolhaye u jabisay Allison oo ay kula soo wareegeen 66.9 milyan ginni laakiin Chelsea ayaa sii jabisay rikoorkooda markii Kepa kala soo wareegeen Athletic Bilbao.

Kyle Walker | Man City | £53m

Man City ayaa Walker kala soo wareegtay Tottenham xagaagii 2017, waxaana uu tan iyo markaas ku guuleystay labo koob oo Premier League ah.

Virgil van Dijk | Liverpool | £75m

75 milyan ginni waa lacag lagu helay daafacaan. Abaalmarinta Ballon d’Or ayuu u sharaxan yahay haatan.

Harry Maguire | Man Utd | £85m

Miyuu cadeyn doonaa inuu u qalmo lacagta laga bixiyay

Lucas Hernandez | Bayern Munich | £68m

Heshiiskiisa waxaa la gaaray bishii March oo ka heshiiyeen Atletico iyo Bayern laakiin waxa uu kooxda Jarmalka u wareegay xagaagan.

Burburiyaha khadka dhexe ee ugu khaalisan taariikhda kubada cagta. Miyuu noqon doonaa Sergio Busquets-ka cusub?

Paul Pogba | Man Utd | £89m

Waa saxiixa kaliya ee dhacay wixii ka horeeyay 2017. Miyuu sii ahaan doonaa ciyaaryahan Manchester United ah dhamaadka isbuucaan.

Frankie de Jong | Barcelona | £65m

Weli kulan tartan rasmi ah uma dheelin Barcelona laakiin hadana waxa uu u muuqdaa mid lagu helay 65ta milyan ginni ee laga soo bixiyay.

Sidoo Kale Akhri:  Ka Dib Rikoorkii Uu Dhigay Harry Maguire Maanta Waa Kuwee Shanta Daafac Kale Ee Ugu Qaalisan Dunida?

Philippe Coutinho | Barcelona | £142m

Heshiiskaan ma uusan noqonin sidii la filayay. 18 bilood ka dib xiddiga reer Brazil waxaa lala xiriirinayaa inuu amaah ku tagayo Arsenal.

Neymar | PSG | £222m

Xiddiga ugu khaalisan dunida kubada cagta. Laakiin mustaqbalkiisa PSG ayaa durbaba mugdi uu ku jiraa.

Kylian Mbappe | PSG | £165.7m

PSG waa ay awoodaa inay iska iibiso Neymar sababtoo ah waxay heystaan xiddig u dhigma. Waxaa waali ah in lagu fekero in 165.7 milyan inay tahay lacag raqiis ah haddii Mbappe uu gaaro heerkiisa ugu sareeya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here