Shil gaari oo geystay Khasaaro oo a dhacay  deegaanka Jasiira ee duleedka  magaalada Muqdisho.

0
169

Shil gaari oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac  ayaa maanta waxaa uu  ka dhacay  deegaanka Jasiira ee duleedka  magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa si gaar ah waxaa uu uga dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn  xerada tababarka ciidanka dowladda Turkigu ay ku leedahay Muqdisho laguna magacaabo  Turki-Som.

Shilka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen gaari  ah nooca loo yaqaano Carro gadiyaha iyo mooto Bajaaj.

Shilka ayaa waxa ku nafwaayay hal qof oo dumar ah, taasi oo  saarneed mootada iyadoo uu dhaawac saagaaray wadihii Mootada, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Warbaahinta

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen darawalkii ka xeynayay gaariga weyn ee ku dhacay Mootada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here